Abyoone
Appearance
![](https://cdn.statically.io/img/upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/c/c1/Latex_integers.svg/220px-Latex_integers.svg.png)
Tirooyinka Abyoone waa tirooyin ay suutowdo in loo qori karo iyadoon la adeegsan Jajab ama hakad tobanaale, waxayna noqonaysaa urur tirooyin abyoone -taasoo ka dhigan Hormo urur ka tirsan urur tiro maangal ah - laga soo bilaabo Tiro tirsiimo (1, 2, 3, ..) iyo Eber iyo tirooyinka taban ee ku beegan tirooyinka tirsiimaha (-1, -2, -3, ..), waa in ay ahaadaan ururta tirooyinka abyoone Urur makoobane waxayna la mid yihiin urur tirooyin tirsiimaha, sida caadiga ah waxaa loo suntaa xarafka Z.
![](https://cdn.statically.io/img/upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/9/93/Number-line.svg/300px-Number-line.svg.png)
Kuwaan soo socdana waa wax ka mkid ah aas aaska gaarka ah ee isugeynta iyo isku dhufada abyoone kasta a, b iyo c.
Isugeyn | Isku dhufasho | |
---|---|---|
oodnaan: | a + b waa abyoone | a × b waa abyoone |
Hormogalnimo: | a + (b + c) = (a + b) + c | a × (b × c) = (a × b) × c |
Xeerka kala-hormarinta: | a + b = b + a | a × b = b × a |
Jiritaanka ah Asalmadoorshe: | a + 0 = a | a × 1 = a |
Jiritaanka ah Weydaarka kutirsane: | a + (−a) = 0 | Weydaarka kutirsane sida caadiga ah maba jiro. |
Kala dhigid: | a × (b + c) = (a × b) + (a × c) iyo (a + b) × c = (a × c) + (b × c) | |
No Qaybiye eber: (*) | Haddii a × b = 0, kadib a = 0 ama b = 0 (ama labodooda oo isla jira) |