Jump to content

Boqortooyadii Walashma

Ka Wikipedia

Boqortooyada Walashma (Af Ingiriis : Walashma dynasty) waxay ahayd boqortooyo Somaliyeed oo Muslim ah taasi oo ka talin jirtey Geeska Afrika 1197-1577. Sida lagu sheegay buugaag wakhti hore la qoray, waxay maamuli jireen Saldanadii Awfat iyo Barr Sa'ad al Din kuwaasi oo uga talin jirey dhulka maanta loo yaqaano Soomaalya, Jabuuti, Itoobiya, Eretareya iyo Suudaan.[1]

Asalka

Boqorkii ugu horeeyey ee boqortooyadu waxu ahaa Cumar Walasma. Sheekh Yusuf al Kawneyn oo loo yaqaano Aw Barkhadle ayaa ka mid ah awoowayaashisii.[2] Abtirsiintiisa waxaa lagu qoray kutub badan oo mid ka mid ah la odhan jiray "Tarik al Muluk" :

"Cumar ibn Dunya'xuur ibn Axmed ibn Maxamed ibn Xameed ibn Maxamuud ibn Yusuf Barkhadle.."[3]

aaa
Abtirsiintiisa buugga dhexdiisa

Sida qabiilada somaliyeed intooda badan, reer Walashma waxay ku abtirsiin jireen Akil ibn Abi Dhaalib waxayna ahaayeen Banuu Xaashem.[4][5] Qowmiyadda Argobbada iyo Hararida ee Itoobiya ku nool oo Xabeshida kamid ah ayaa sheegata boqortooyada Walashma balse taariikhyahannadu waxay dhawaan ogaadeen in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya dadka reer Awfat berigi dhexe iyo dadka Xabeshida.[6]

Luuqada

Boqorradii Walashma waxay ku hadli jireen Af Carabiga[7] iyo Af Soomaaliga.

Taariikhda

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Jyee, Dr. Ravi (2016). WORLD ENCYCLOPAEDIA OF AFRICAN COUNTRIES. New Delhi, India: AFRO-ASIAN-AMERICAN CHAMBER OF COMMERCE, OCCUPATIONAL RESEARCH AND DEVELOPMENT (ACCORD). p. 360.
  2. Lewis, Ioan M. (1998). Saints and Somalis: popular Islam in a clan-based society (1. Red Sea Press ed.). Lawrenceville, NJ: The Red Sea Press [u.a.] p. 92
  3. Cerulli, Enrico. Islam: Yesterday and Today translated by Emran Waber. Istituto Per L'Oriente. p. 160
  4. M. Elfasi, Ivan Hrbek (1988). Africa from the Seventh to the Eleventh Century, General History of Africa, Volume 3. UNESCO. pp. 580–582
  5. Mekonnen, Yohannes (29 January 2013). Ethiopia: the Land, Its People, History and Culture. Yohannes Mekonnen
  6. Chekroun, Amélie (23 February 2023). La Conquête de l'Éthiopie - Un jihad au XVIe siècle (in French). CNRS editions. p. 179
  7. Giyorgis, Asma (1999). Aṣma Giyorgis and his work: history of the Gāllā and the kingdom of Šawā. Medical verlag. p. 257