Waa kuma Cammaar al-Xakiim ninka uu ra'iisul wasaare Xamse kula kulmay dalka Ciraaq?

Xakiimi

Xigashada Sawirka, OPM Somalia

Ra’iisul wassaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa waxa uu la kulmay Cammaar Al-Xakiim oo ah wadaad sare oo caan ka ah dalka Ciraaq, sida lagu daabacay barta Facebook ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Warka ayaa waxa lagu sheegay in Cammar iyo ra’iisul wasaare Xamse ka wada hadleen arimo la xiriira xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya wadamada iyo dadyowga Ciraar iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo la sheegay in ka wada hadleen sidii iskaashi u dhexmari lahaa Ciraaq iyo Soomaaliya – iskaashigaas ayaa lagu sheegay in uu yahay mid heer car beed ah.

Safarkaan oo ah mid rasmi sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayaa waxa uu kulamo kula qaadanayay madaxda dalka Ciraaq.

Xamse iyo Xakiimi

Xigashada Sawirka, OPM Somali

Hadaba, waa kuma Cammaar Al-Xakiim?

Xilligaan la joogo Cammar Al-Xakiim waa madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee dalka Ciraaq kaas oo ah ibahaysi siyaasadeed oo dalkaas ka curtay sanadkii 2018 kii.

Balse horay waxa uu u soo noqday madaxa kooxo badan oo shiico ah oo aad u saameyn badnaa, waxaana ugu waynaa Golaha Islaamiga ah ee Sare ee Ciraaq, golahaas oo isna ahaa mid siyaasi ah ayaa tartan horay ugu galay hugaanka baarlamaanka ee dalkaas. Golaha ayaa horay magaciisu u ahaan jiray Golaha Saree e Kacaanka Islaamiga ah, waxaana ay magacooda badaleen sanadkii 2006 dii.

Sidoo golahaas ayaa waxaa hoos imaan jiray maleeshiyadii aadka u xooganeed ee shiicada ee la oran jiray Guutada Badar.

Kooxdaas ayaa markii hore waxay ahayd isbahaysi xoogan oo ka dhashay kooxo kala duwan oo sjiico ah oo midoobay, waxaana sanadkii 2005 tii ay ku guuleysteen kuraastii ugu badneed ee baarlamaanka dalkaas. Waxaana la sheegaa in sababta ugu wayni ahayd in sunniyiintu ay nidaamkii siyaasadeed ee Ciraaq ee xilligaas.

Xilligaas waxaa kooxdaan aasaasay oo madax ka ahaa aabihii oo ahaa nin saamayn badan lahaa qudhiisu.

Xakiimi

Xigashada Sawirka, Xakiimi

Noloshii Al-Xakiim

Cammaar al-Xakiim waxaa lagu dhalay Najaf oo ku taalla koonfurta Baqdaad, sanadu markii ay ahayd 1970 nadii, xilligaas oo ay jirtay dawladdii Ciraaq ee uu hugaamin jiray Axmed Xassan al-Bakir oo xilligaas bilowday in ay qaboojiso kala tag siyaasadeed oo ku socday wadaada SHiicada, kuwaas oo si furan uga soo horjeestay sharcigii carabnimada.

Xilli waxaa jirtay qaar ka mid ahaa qaraabadiisa oo wadaado ahaa loo toogtay in khiyaano ku sameeyeen Baqdaad, isaga iyo aabihiis ayaa la sheegay in ay u carareen dalka Iran.

Wuxuu sii watay waxbarashadiisa Islaamiga ah, isaga oo raacayay dhaqanka qoyska reer Xikam ee uu ka soo jeedo, kaas oo ah mid ay iska dhaxlaan ubadka reer Xikam.

Aabihiis oo lagu magacaabo Abdulaziz Al-Xakiim, oo ahaa ninkii aasaasay ururada siyaasadeed ee uu haatan hugaamiyo Cammaar, soona ahaa hugaamiyhooda ruuxiga ah tan iyo 1982 dii ayaa ahaa nin aad looga qadariyo gudaha Ciraaq magacweyna ku lahaa.

Balse waxaa la sheegaa in uu xanuunka kansarka u geeriyooday sanadkii 2009 kii bishii Septemper.

Sanadii 1982 dii, aabaha dhalay Cammaar iyo adeerkiis -Maxamed Baqir al-Xakiim – ayaa waxay bilaabeen in ay abaabulaan mucaarad shiico ah oo ka soo horjeesta dawladdii Sadaam Xueyn, waxayna si bayaan ah ula safteen dawladda Iran oo dagaal sideed sano socday uu kala dhaxeeyay Ciraaq. Kooxdii loo aqoon jiray Guutada Badar ayaana bilaabay in ay garab u fidiyaan xooggagii iran eek u sugnaa furimaha dagaalka, sidoo kale waxay qaadi jireen waraysida laga qaado maxaabiista dagaal ee laga qabto Ciraaq.

Sanadkii 1991 dii, kadib markii ay Ciraaq iska cabin xoogan kala kulantay Kuwait markii dambana ay isaga soo baxday, Golihii Kacaanka Islaamiga ahaa waxa uu abaabulay kooxo hubaysan oo lagu aruuriyay koonfurta Ciraaq.

Qoyska reer Xakiim ayaanan ku soo laaban dalka Ciraaq ilaa laga soo gaaray sanadkii 2003 dii, markaas oo ahayd xilligii ciidamada dawladda maraykanku ay gudaha u galeen dalka CIraaq, Saadaamna uu u cararay dhanka wuqooyiga Tikrit.

Isla xilligaasba, Abdulaziz al Xakiim waxa waxaa loo magacaabay in uu madaxa golihii dawladda kumeel gaar ahayd ee Ciraaq.