Shuruudaha adeegsiga

Gelista iyo isticmaalka 'bbc.co.uk' ee UK gudaheeda iyo dibeddaba waxaa bixiya BBC (Dadka dibedda ka isticmaala waxaa laga yaabaa inay arkaan xayeysiin bogagga qaarkood oo ay sameysay qeybta ganacsiga ee BBC, BBC Worldwide Limited ("BBC") shuruudaha hoos soo socda:

1. Haddii aad isticmaaleyso bbc.co.uk waxaad oggolaatay shuruudahan, kuwaasi oo markiiba dhaqan gelaya isla marka aad isticmaasho bbc.co.uk. Haddii aadan oggoleyn dhamaan shuruudaha fadlan ha gelin, hana isticmaalin, waxna ha ku soo biirin bbc.co.uk.

2. BBC waxay beddeli kartaa shuruudahan xilli kadib, sidaa darteed waa inaad iska hubisaa shuruudaha si joogto ah. Isticmaalkaada sii socda ee bbc.co.uk waxa uu ka dhigan yahay inaad aqbashay shuruudaha wax laga beddelay ama lagu kordhiyay. Haddii aadan oggoleyn isbeddelkaasi, waa inaad joojisaa isticmaalka website-ka. Haddii ay jiraan wax iska hor imanaya oo ah shuruudahan iyo kuwo gaar ah oo deegaanka ah oo ka muuqanaya meel kale oo bbc.co.uk ah (oo ay ku jirto sharci meel u gaar ah) markaa waxa jiraya midka danbe.

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan isticmaalka bbc.co.uk, hantida maskaxeed, waxa lagu biiriyo BBC, shuruucda bulshada, iska fogeynta iyo xadeynta waajibaadka, isticmaalka guud ee macluumaadka, waxaad gashaa www.bbc.co.uk/terms (oo Af-ingiriis ah)