Waa maxay cudurka busbuska ee faraha ba'an ku haya dalkan Afrika ku yaalla, sidee ayuuna u faafaa?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Nooc cusub oo fayraska busbuska ayaa si degdeg ah ugu faafaya Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, khubarrada ayaana sheegay inuu yahay nooca ugu khatarsan ee ay arkeen.

Busbuska oo loo yaqaanno Mpox, horena loogu aqoon jiray monkeypox, waa xanuun ka jira qeybo ka mid ah galbeedka iyo bartamaha Afrika kiisaska ayaana ku sii badanayay qaaradda muddo tobnaan sano ah.

Sanadkii 2022, xanuunkan oo ka dillaacay dunida ayaa asiibay Yurub, Australia, Mareykanka iyo dalal kale oo bada.

Heerkee ayuu xanuunkan ka gaarsiisan yahay dunida?

Xanuunkan busbuska waxaa sababa fayraska monkeypox, oo ka mid ah isla noocyada cudurkan, inkastoo uu ka dhib yar yahay.

Fayraska ayaa asal ahaan ka yimid xayawaannada oo bani'aadamka u gudbiyay, wuxuuna ku badan yahay dalalka u dhow keymaha.

Gobolladan, waxaa jira kumannaan kiis iyo boqollaal dhimasho oo cudurkan ah oo sanad walba la arko - iyadoo carruurta ay da'dooda ka hooseyso 15 aad uu u asiibo.

Waxaa jira labo nooc oo ugu badan cudurkan inta la og yahay. Kan ugu dhib yar ayaa dunida ka dillaacay sanadkii 2022 kaasoo ku faafay ku dhowaad 100 dal oo aan caadi ahaan hore u arki jirin fayraska.

Kan labaad, oo dhimashada ugu badan sababa ayaa ka jira bartamaha Afrika - wuxuuna sababay nooca cusub ee dhowaan lagu arkay DR Congo.

Labada nooc ayaa khatartooda iyo dhimashada ay sababi karaan ay kala duwan tahay.

Waa maxay calaamadihiisa?

Busbuska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Calaamadaha ugu horreeya waxaa ka mid ah qandho, madax xanuun, barar, dhabar xanuun iyo murqo xanuun.

Marka ay qofka qandhadu ka jabto, waxaa kasoo yaaca nabro, oo aalaaba ka billowda wejiga kadibna ku faafa qeybaha kale ee jirka, inta badanna calaacalaha gacmaha iyo cagaha.

Nabraha, oo noqon kara kuwo xanuun iyo cuncun badan, ayaa is beddela iyagoona mara marxalado kala duwan kahor inta aysan qolof yeelan taasoo kadibna iskeed u dhacda. Taasi waxay sababi kartaa haaro muuqda.

Caabuqa ayaa caadi ahaa iskiis u taga wuxuuna qofka heyn karaa 14 iyo 21 maalmood.

Kiisas khatar ah ayaa la arki karaa kuwaasoo cudurku uu asiibo dhammaan jirka, gaar ahaan afka, indhaha iyo xubinta taranka.

Sidee ayuu u faafaa?

Busbuska ayaa la kala qaadi karaa marka qof qaba uu xiriir dhow idin dhex maro - waxaana ka mid ah galmo, xiriir jir ahaaneed iyo hadalka iyo neefsashada oo qofka aad loogu dhowaado.

Fayraska ayaa jirka kasoo geli kara meel dhaawac ah, neef-mareenka amaba indhaha, sanka ama afka.

Wuxuu sidoo kale ku faafi karaa taabashada walxaha laga yaabo inay sidaan fayraska, sida sariirta, dharka iyo tuwaallada.

Inaad taabato xayawaan cudurku hayo, sida daanyeerka, doolliga iyo dabagaallaha, waa hab kale oo lagu qaadi karo.

Markii uu dunida ka dillaacay 2022, fayraska ayaa inta badan ku faafay oo lagu kala qaaday galmada.

Kan haatan ka dillaacay DR Congo waxaa sidoo kale sababay xiriir galmo, balse waxaa sidoo kale lagu arkay qowmiyadaha kale.

Yaa khatarta ugu badan ugu jira?

Busbuska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan kiisaska ayaa laga helay dadka qaangaarka ah iyo ragga isu galmooda. Dadka leh dhowr lammaane ayaa khatarta ugu badan ku jiri kara.

Balse qof walba oo xiriir dhow la sameeya qofka leh calaamadaha cudurka ayaa qaadi kara fayraska, waxaana ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo xubnaha qoyska.

Waxaa lagu talinayaa in laga fogaado xiriirka dhow ee qof walba oo qaba xanuunkan iyo in gacmaha lagu nadiifiyo saabbuun iyo biyo haddii fayrasku ku faafo bulshadaada.

Kuwa qaba xanuunkan waa inay is karantiilaan ilaa ay ka baaba'ayaan nabaraha cudurka.

Sidee ayaa loo daweyn karaa?

Dillaacitaanka cudurkan busbuska ayaa lagu xakameyn karaa ka hortagga faafitaanka - sida ugu fiican waa in la adeegsado tallaal.

Waxaa jira saddex tallaal balse keliya dadka khatarta ugu jira amaba xiriir dhow la sameeyay kuwa qaba ayaa caadi ahaan awooda inay helaan.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO haatan kuma talineyso in la tallaalo dhammaan bulshada.

Isku dayo tallaal oo dheeraad ah oo ka dhan ah nooca cusub ee busbuska ayaa loo baahan yahay si loo fahmo heerka ka hortag ee ay leeyihiin.