Dayax gacmeed la filayo inuu dhulka ku soo dhaco

Dayax gacmeed

Xigashada Sawirka, ESA

ERS-2 wuxuu ahaa qalab aad casri u ah markii la bilaabay 1995, kaasoo tiknoloojiyada uu isticmaalo ay ahayd mid hadda si joogto ah loo isticmaalo si loola socdo meeraha.

Si tartiib ah ayuu dayax gacmeedkaas hoos ugu soo dhacayay tan iyo markii la soo afjaray shaqadiisa 2011, waxaana la filayaa in maanta uu soo galo koonka.

Wakaaladda hawada sare ee Yurub (Esa) ayaa sheegtay in inta badan dayax gacmeedka labada tan ah uu ku guban doono hawada inta uusan dhulka ku dhicin.

Waa suurtogal in qaybo kale oo adag ay u adkeysan karaan kulaylka xooggan ee ka dhasha xawaaraha sare, laakiin fursadaha jajabyadani ay ku soo gaari karaan meelaha dadku ku badan yahay oo ay waxyeello u geysan karaan ayaa ah kuwo yar.

Waxay ku soo dhici karaan meel kasta oo adduunka ka mid ah, laakiin maadaama inta badan oogada dhulka ay qariyeen bado, wixii haraaga ah ee ka badbaada dusha sare waxay u badan tahay inay ku dhacaan badda.

Markii la samaynayey

Xigashada Sawirka, ESA

"Waxaa mudan in la iftiimiyo in mid ka mid ah walxaha laga yaabo in ay dib u soo galaan koonka aysan ahayn shucaac ama sun," ayuu yiri Mirko Albani oo ka socda Waaxda koonkan ee hay’adda Yurub u qaabilsan hawada sare.

Wakaaladdu waxay sagaashamaadkii soo saartay laba dayax-gacmeed oo aad isugu eg ,(ERS). Waxay ahaayeen kuwii xilligaas ugu casrisanaa, waxayna awood u lahaayeeninay la socdaan isbeddelada dhulka, badaha iyo hawada.

Waxay la socdeen daadadka, waxayna qiyaas ku samaynayeen heerkulka qaaradaha iyo dusha sare ee badda. ERS-2 wuxu si gaar ah awood ugu lahaa inuu qiyaaso dahaarka koonka ku gadaaman ee Ozone layer.

ERS-2 ayaa markii hore la dhigay meel dhulka ka sarraysa 780 Km, injineerradana waxay istucmaaleen shidaalkii ugu dambeeyey 2011, ayagoo hoos u soo dhigay 570Km. Waxaa la filayey in atmosfeerka sare uu hoos u soo jiidi doono muddo 15 sano ah ilaa ay ka burburaan.

Wuxuu qiyaasi karaa heerkulka dunida

Xigashada Sawirka, ESA

Waxaa adag in la sii saadaaliyo goorta iyo meesha uu ku soo dhacayo. In badan waxay ku xiran yihiin cufnaanta atmosfeerka sare, taana waxaa saamayn ku leh dhaqdhaqaaqa qorraxda.

Laakin waxay culimadu sheegayaan in dib u soo gelidda dayax gacmeedka ay u dhaxayso 82 darajo oo waqooyi iyo koofur ah.

Khubarada baaritaanka burburka u qaabilsan ESA waxay qiyaasayaan in inta badan burburka ERS-2 dusha sare ee koonka ay muddo ku nagaan doonaan. Burburka saamaynta ku yeelan doona koonka waxaa ku jira qalabka ku rakiban gudaha dayax gacmeedka, qaybaha biraha ka samaysan qaarkood, iyo taangiyada cadaadiska.

Waxaa kale oo iyagana muddo badbaadi kara anteenada iyo qalabka radarka, ayadoo radarku ka samaysan yahay qalab ka samaysan maadada Carbon-Fibre, taasoo u adkaysan karta atmosferka ku gadaaman dunida.

Todobaadkii hore ayaa Secure World Foundation oo ah koox u ololaysa isticmaalaka waara ee hawada sare iyo LeoLabs oo ah shirkad Maraykan ah oo la socota qashinka hawada sare looga soo tago waxay soo saareen qoraal ay kaga hadlayaan baahid aloo qabo in si wanaagsan loo qubo qalabka hawada sare looga soo tago.

“waxay sheegeen in “sii badashada qalabka looga soo tago hawada sare ee aan dhulka ka fogeyn uu weli yahay mid aysan waxba iska beddelin, 28% qalabka aan weli burburin ayaa hawada sare looga soo tagayey tan iyo billowgii qarnigan”