Jill Biden: Saameynta daahsoon ee ay ku leedahay seygeeda, madaxweynaha Mareykanka

Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhibtooday dood 90 daqiiqo socotay taasoo keliya dab kusii shidday walaacyada laga qabi da'diida iyo sida uu ugu habboon yahay talada dalkaas, ayay Jill Biden soo hor istaagtay deeq-bixiyeyaasha ku sugnaa munaasabad lacag ururin oo lagu qabtay New York waxayna isku dayday inay sharraxdo wixii ay dhammaadtood marqaatiga ka ahaayeen.

"'Ma ogtahay, Jill, ma garanayo waxa dhacay. Wax wanaagsan ma dareemin,'" madaxweynaha ayaa qirtay, ayay u sheegtay. "Waxaan iri, ‘Eeg, Joe, ma oggolaaneyno in 90 daqiiqo ay qeexdo afartii sano ee aad ahayd madaxweyne.’”

Waxay tusaale ka bixisay fekerka madaxweynaha uu qabay iyo sida uu u arkay ka qeyb qaadashadiisii doodda, taasoo dharbaaxo kulul ku ahayd ololihiisa.

Iyadoo ay soo baxeen shaki laga muujiyay musharraxnimada Biden, la taliyihiisa ugu dhow ayaa meesha ka saartay inuu isaga harayo tartanka. "Marka hoos loo dhigo, Joe wuu kasoo kabtaa, taasina waa waxa aan maanta sameyneyno," ayay tiri Mrs Biden.

Marwada koowaad ayaa seygeeda garab taagneyd tobnaanka sano ee uu siyaasadda ku jiray, laga soo bilaabo markii uu senator ka ahaa Delaware ilaa uu taliye sare noqday.

Marka madaxweynuhu uu go'aamada waaweyn ee adag kula laabto qoyska, Mrs Biden waxay ku jirtaa la taliyeyaasha sare ee kooban ee saameynta ugu badan ku leh madaxweynaha waxayna dhabtii ka caawin kartaa inuu go'aansado inuu doorashada ka haro iyo in kale.

“Waa caadi in loogu yeero la taliyaha ugu dhow Biden,” ayuu BBC u sheegay Hank Sheinkop oo ka tirsan dadka dejiya siyaasadda xisbiga Dimuqraadiga. “Qoyska ayaa muhiim u ah taas ayaana doorka Jill Biden ka dhigaya mid intaa kasii muhiimsan”

Gabadh augu yar walaalaha la dhashay madaxweynaha, Valerie Biden Owens, oo soo noqotay madaxa ololihiisa xilligii uu golaha sare u tartamayay, sidoo kale wiilkiisa, Hunter Biden, ayaa ka mid ah la taliyeyaashiisa uu ugu kalsoonida badan yahay.

Kadib dooddii uu weji gabaxa kala kulmay, Biden ayaa qoyskiisa la aaday safar muddo dheer la qorsheynayay oo ay ku tageen Camp David, oo ku taalla gobolka Maryland, halkaasoo ay kaga wada hadleen ololihiisa waxayna ku boorriyeen inuu dagaalka wado, sida uu baahiyay CBS oo gacan saar la leh BBC. Hunter Biden wuxuu ka mid yahay xubnaha qoyska ee aabbihiis ku boorrinayay inuu tartanka ku sii jiro, sida uu baahiyay CBS.

Balse iyadoo walaaca Dimuqraaddiyiinta ee sugnaanta jireed iyo tan maskaxeed ee madaxweynahan 81-jirka ah uu isa soo tarayo, qaar badan oo xisbiga ka tirsan ayaa marwada koowaad wax ka weydiiyay musharraxnimadiisa.

Taas beddelkeed, waxay sii wadday ololaha, iyadoo toddobaadkan u safreysay gobollada tartanka adag loogu jiro ee Pennsylvania iyo Michigan iyadoo ku qabaneysay isu imaatinno.

"Sababo la xiriira in warar badan ay jiraan, aan ku celiyo in seygeyga uu si cad oo qeexan u yiri: Joe waa musharraxa ay soo magacaabeen Dimuqraaddiyiinta wuuna ka adkaan doonaa Donald Trump, si la mid ah tii 2020," ayay Mrs Biden ku tiri taageerayaashooda oo kasoo qeybgalay munaasabad olole oo Arbacadii lagu qabtay Magaalada Traverse, Michigan.

Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marwada koowaad ayaa seygeeda garab taagneyd tobnaanka sano ee uu siyaasadda kusoo jiray

Saameynta Mrs Biden ee West Wing, si kastaba, ma aha wax aan caadi ahayn.

Nancy Kegan Smith, oo ah madwxeynaha Ururka Marwooyinka Koowaad ee Baaritaanka iyo Waxbarashada, ayaa sheegtay inay jiraan taariikho u dhaxeeya Mrs Biden iyo marwooyinka koowaad.

"Inta badan madaxweyneyaasha waxay ku tiirsan tahay talada aan midabka lahayn ee xaasaskooda sababtoo ah taasi waa qofta caadiyan ugu dhow iyaga” ayay tiri.

Waxay farta ku fiiqday Lady Bird Johnson, xaaska madaxweynihii hore Lyndon B Johnson, oo la talisay seygeeda - iyadoo dhab ahaan ku qancisay inuu Aqalka Cad u tartamo bishii August 1964 kadib markii uu noqday madaxweyne markii la dilay John F Kennedy.

Afar sano kadib 1968, waxay beddeshay fekerkiisa, iyadoo u sheegtay inuusan dib u tartamin. Wuu dhegeystay, ayay tiri Ms Kegan Smith.

In badan oo Xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsan ayaa sugaya inay arkaan arrin taas la mid ah inay dhici karto bisha xigta, taasoo farta ku fiiqeysa Mrs Biden.

Marwada koowaad ayaa ah qof aad u mashquul badan. Waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan East Wing ee weli heysa shaqada waxbaridda iyadoo maaddada English ka dhigta kuleejka bulshada waqooyiga Virginia. Marka aysan wax dhigeynin, aalaaba waddooyinka ayaa lagu arkaa iyadoo seygeeda u ololeyneysa.

“Inta badan marwooyinka koowaad muddo dheer ayay saaxadda siyaasadda ku jireen,” ayay BBC u sheegtay Katherine Jellison, oo wax ka dhigta Jaamacadda Ohio taasoo daraasad ku sameysa marwooyinka koowaad.

Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Joe iyo Jill Biden oo sawir laga qaaday xilli ay la quraacanayeen Obama iyo xaaskiisa intii lagu jiray ololihii doorashada 2008

Madaxweynaha ayaa shan jeer xaaskiisa usoo jeediyay guur ilaa markii shanaad ay ka oggolaatay, kadib lammaanaha ayaa is guursaday sanadkii 1977, shan sano kadib markii Joe Biden ay xaaskiisa iyo gabadhiisa ku geeriyoodeen shil gaari halka labo wiilashiisa ahna ay dhaawacmeen.

Markii uu go'aansaday inuu madaxtinnimo u tartamo sanadkii 2016, wuxuu barnaamijka 60 Minutes u sheegay "wuxuu qoyska u ahaa go'aanka saxda ah". Wuxuu sheegay in sababtu ay qeyb ka ahayd dhimashada wiilkiisii Beau, oo kansarka maskaxda u geeriyooday sanadkii 2015.

Mrs Biden ayaa gaar ahaan door weyn ka cayaartay go'aanka seygeeda ee inuu u tartamo madxatinnimo sanadkii 2003, Ms Kegan Smith ayaa sidaa tiri, iyadoo xiganeysa buug ay qortay marwada koowaad sanadkii 2019, Where the Light Enters.

Balse marwada koowaad ayaa la kulmeysay cadaadis maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo cambaareyn la kulantay kadib dooddii madxatinnimo inay seygeeda ammaantay kadib sidii liidatay ee uu doodda uga qeyb galay.

“Joe, shaqo wanaagsan baad qabatay. Waad ka jawaabtay su'aal walna. Waad taqaannay dhammaan xaqiiqooyinka,” ayay ku tiri mar uu ku sugnaa masraxa kadib doodda oo lagu qabtay Atlanta. Arrintaas ayaa aad loogu maadeystay baraha bulshada.

"Joe marar badan buu noloshiisa oo dhan liicay ... Marka la liiciyo, si adag ayuu u shaqeeyaa. Taasina waa waxa uu sameynayo, balse wuxuu u baahan yahay caawinaaddiinna," ayay Arbacadii u sheegtay taageerayaasha Michigan.

"Ma dooranno boggeenna siyaasadda, balse waxaan dooran karnaa qofka nagu hoggaamiya," ayay intaas ku dartay.

Mrs Biden ahaan iyadu, dookhaas wuxuu la yaallaa seygeeda.