Jawaari “Waxaan dareemay isu awood sheegasho, mana rabo in darteey dhiig u daato”

  • Cabdinaasir Saxansoxo
  • BBC Somali, Nairobi
Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah xilka uga dagay
Qoraalka sawirka, Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah xilka uga dagay

Maanta waxaa baarlamaanka hadal jeedin ka sameeyay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, wuxuuna hadalkiisa ku saabsanaa xil ka tagistiisa iyo sababihii ku kalifay in uu kursiga ka tago iyada oo ay 3 sano uga dhimantahay muddo xileedkii la doortay.

Hadalka Jawaari oo aad u dheeraa, kana koobnaa 9 bog, kuna qornaa Af Soomaali xariir ah , kaas oo ay ka buuxeen ereybixino sharciyeed, aadna looga taxadaray , ayaa sheegay in aysan jirin cid gaar ah oo ku guuleysatay hardankii siyaasadeed ee dhacay, balse waxa guuleystay ay yihiin shacbiga Soomaaliyeed.

Qoraalka Codka, Maxaa xiga iscasilaadda Jawaari?

Jawaari oo si odaynimo ay ka muuqato u hadlay, oraahdiisana ay u badneyd mid masloxo, ayaanse ka gabban in uu sheego sida uu yahay dareenkiisa iyo wixii dhacay.

"Shacbiga Soomaaliyeed waa dad wanaagsan oo la xukumi karo, balse waxa ay u baahanyihiin caddaalad, caddaalad, caddaalad" ayuu yiri Jawaari , isaga oo xildhibaanada xusuusiyay in mid kasta oo iyaga ka mid ah uu matalo konton iyo dhawr kun oo shacabka ah, sidaasi darteedna ay tahay "in go'aanada ay gaaraysaan iyo waxa aad saxiixaysaan ku sameeya si xog ogaalnimo ku jirto".

Mar uu ka hadlay go'aankiisa is casilaada ayuu tusaale usoo qaatay qiso dhacday xilligii Nabi Daauud SCW, taas oo nabiga loo keenay in uu kala xukumo labo haweenay oo isku heystay ilmo yar, kadibna uu nabiga ku yiri waa la idiin kala jarayaa ilmaha, kadibna hooyadii dhabta ahayd ee dhashay ilmahaas ay ka tanaasushay ilmaha. "Intii uu baarlamaanka kala go'i lahaa, aniga ayaa tanaasulay" ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyihii hore ayaa xildhibaanada iyo shacabkaba ka codsaday in ay cafiyaan, isagana uu cafiyay qof kasta, balse waxa uu sheegay in uu halkii kasii wadi doono shaqadii 56-da sano uu usoo hayay dowladda iyo shacabka, sida uu sheegayna xildhibaan sii ahaan doono. "Waxaan ogaaday in baarlamaanka uu qaadan lahaa go'aan garab marsan sharciga iyo qaanuunka, taas oo bar madoow ku noqon lahayd taariikhdeena" ayuu yiri Prof Jawaari oo uu sacab u dhacayay mararka qaar.

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka

Waxa uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xilka joogay, waxaana ka mid ah in uu baarlamaanka yeeshay shaqaale tabobaran, isaga oo ku dardaarmay in shaqaalahaas xirfadlayaasha uu ku tilmaamay la illaaliyo xuquuqdooda.

Ugu dambeyntii Jawaari ayaa sheegay in uu arkay wax u eg cudud sheegasho, sidaasi darteedna intii dartiis qof u dhaawacmi lahaa ama u dhiman lahaa uu isaga doortay in uu xalka qeyb ka noqdo, xilkana ka dego.

Wuxuu soo taxay waxbqabadkii baarlamaanka isaga oo adeegsanayay oraahda ah "Waxaan idiinka tagayaa baarlamaan ….", tusaalana usoo qaatay qodobo ay ka midyihiin in baarlamaanka uu xiriir la leeyahay baarlamaanada adduunka oo dhan, kuwa dowlad goboleedyada, leh dhammaan laamihii kala duwanaa ee baarlamaan looga baahnaa, islamarkaasna laanta fulinta ku qasbay in aanan khasnada dhexe lagala bixin qarash uusan baarlamaanka anisixinin.

"Waxaan ansixinay 8 miisaaniyad laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii" ayuu yiri Jawaari.

Waxase uu ka digay in farogalin lagu sameeyo madax banaanida baarlamaanka, laanta fulintana ay soo dhex gasho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heysta muddo 15 maalmood ah oo ay tahay in uu kusoo doorto guddoomiye cusub, waxaana durba isa soo sharaxay musharixiin kala duwan.