BBC-da oo baaritaan ku sameysay cidda geysatay duqeynta isbitaalka Qasa ee Israa'iil iska fogeysay

Waxyeellada isbitaalka Qasa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Gaza ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen boqolaal qof.

Maamulka Falastiin ee ay Xamaas maamusho ee Gaza ayaa isla markiiba eedeyn dusha uga tuuray Israa’iil, iyagoo ku andacoonaya inuu ahaa weerar xagga cirka ah oo ula kac ah. Israa'iil waa ay diiday in ay ku lug leedahay weerarkaas.

Iyadoo eedeynta uu midba midka kale dusha uga tuurayo, waa ay adagtahay in runta la ogaado.

BBC Verify waxay isku dayaysaa inay wax ka ogaato waxa jira iyo waxaan la garanayn - iyadoo eegaysa muuqaallada la baahiyay iyo cadaymaha kale, oo ay ku jiraan goobjoogayaasha. Sidoo kale, wariye ka tirsan BBC-da ayaa tagay goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaasoo ay aad u adagtahay in la galo.

Macluumaad cusub oo ku saabsan dhacdada isbitaalka ayaa soo baxaya mar walba, sidaa darteed waxaan sii wadi doonaa cusbooneysiinta maqaalkan mar walba oo aan helno xog cusub.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mas'uuliyiinta Israa'iil iyo Qaza ay ka bixiyaan warbixinno kala duwan oo ku saabsan duqeynta. Waxaan sidoo kale eegaynaa sheegashooyinkooda iyo hadaladooda kala duwan.

Qaraxa

Qaraxa ka dhacay isbitaalka ayaa dhacay abbaare 19:00 xilliga maxalliga ah (16:00 GMT) ee Talaadadii. Muuqaal 20-ilbiriqsi ah oo lagu faafiyay baraha bulshada kaasoo muujinayay qaraxa ayaa ahaa caddeymihii ugu horreeyay ee muuqaal muhiim ah oo ka soo baxa dhacdada.

Gudaha waxa aad ka maqlaysaa dhawaqa foori ee madfac soo socda, oo uu ku xigo qarax iyo dab aad u weyn.

Qoraalka Muuqaalka, Isla markii uu dhacay qaraxa isbitaalka Qasa

Muuqaal toos ah oo laga soo duubay shabakadda warbaahinta Al-jazeera oo la sii daayay 18:59 wakhtiga maxaliga ah ayaa muujinayay iftiin ifaya oo ka kacayay cirka sare ee Gaza. Laba jeer ayuu iftiin bixinayaa ka hor inta aanu jihada baddelanin oo uusan qarxin.

Kadib waxaa la arkay qarax ka dhacay meel aad uga fog dhulka, kadibna waxaa xigay qarax aad u weyn oo ku soo dhawaaday kamaradaha, kaas oo ay BBC-du baaritaan ku sameysay.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa soo jeediyay in qaraxa uu ka yimid gantaal u muuqda in uu qarxay ama kala go’ay.

Muuqaalo kale oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya wax u muuqda isla qarxii oo dhinacyo iyo masaafo kala duwan laga soo qaaday.

Waxaan la xiriirnay 20 machad baarisyo, jaamacado iyo shirkado khibrad u leh hubka. Sagaal ka mid ah ayaan weli ka jawaabin, shan ka mid ah kama aysan hadlin, laakiin waxaan la hadalnay khubarada lixdii hartay.

Waxaan weydiinay in cadeymaha la hayo - oo ay ku jiraan xajmiga qaraxa iyo dhawaqa la maqlay - loo isticmaali karo in lagu ogaado waxa sababay qaraxa isbitaalka.

Ilaa hadda, natiijadu waa mid aan dhammaad lahayn. Saddex khabiir oo aanu la hadalnay ayaa sheegay in aanay waafaqsanayn waxa aad ka filan lahayd duqaynta caadiga ah ee Israa’iil oo ay la socoto rasaas xooggan.

J Andres Gannon, oo ah kaaliyaha borofasoor Jaamacadda Vanderbilt ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in qaraxyada dhulka ay u muuqdeen kuwo yar, taasoo la micno ah in kulaylka ka dhashay saameynta ay dhici karto in uu ka dhashay shidaal haray.

Justin Bronk, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan mac-hadka Royal United Services Institute ee fadhigiisu yahay UK, ayaa ku raacay. In kasta oo ay adag tahay in lagu xaqiijiyo marxaladdan koobaad, ayuu yiri, hadana caddayntu waxay u egtahay in qaraxa uu ka dhashay qaybta gantaallada ee fashilantay oo ku dhacay barxadda baabuurta la dhigto taas oo keentay in dab xooggan uu kiciyo.

Mr Gannon ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in la ogaado in gantaalku uu ku dhacay bartilmaameedkii loogu talagalay muuqaallada uu arkay. Waxa uu intaa ku daray in bilicda cirka ay u badan tahay in ay muujinayso in gantaalku uu ahaa gantaal matoor leh oo uu aad u kululaaday oo shaqadii joojiyay.

Valeria Scuto, oo ah madaxa falanqeynta machadka Bariga Dhexe ee Sibylline, oo ah shirkad qiimeeysa khatarta, ayaa xustay in Israa'iil ay awood u leedahay in ay fuliso noocyada kale ee weerarrada cirka ah ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, halkaas oo laga yaabo inay isticmaalaan gantaallada loo yaqaano Hellfire ama cadaabta. Gantaaladani waxay dhaliyaan kuleyl aad u badan laakiin qasab ma aha inay god weyn sameeyaan. Laakiin waxay sheegtay in muuqaallada aan la xaqiijin ay muujinayaan qaab dab ka kacay oo kale oo ka dhacay goobta isbitaalka oo aan waafaqsanayn sharraxaaddan.

Cadeymo muuqaal ah oo laga helay goobta uu qaraxa ka dhacay

BBC-da waxaa u suurtagashay in ay isbarbar dhigto tafaasiisha dhismayaasha iyo qaabka uu u yaallo isbitaalka Al-Ahli oo si guud loo daawado sawirada dayax-gacmeedka, si loo ogaado in isbitaalka uu ahaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Marka loo eego cadeymaha la hayo, waxay u muuqataa in qaraxa uu ka dhacay barxad ka mid ah goobta u uku yaallo isbitaalka. Sawirrada goobta qaraxa ka dib ma muujinayaan burbur weyn oo soo gaaray dhismooyinka ku yaalla isbitaalka. Waxa sawiradu muujinayaan waa madowga dhulka gubatay iyo baabuur gubtay.

Sharraxaad

Isbitaalka waxaa leh oo maamula Kaniisada Anglican.

Canon Richard Sewell, oo ah madaxa kulliyadda St George's College ee magaalada Qudus, ayaa BBC u sheegay in ilaa 1,000 qof oo barokacayaal ah ay gabaad u ahayd barxadda markii la weeraray, qiyaastii 600 oo bukaan iyo shaqaale isugu jira ayaa ku sugnaa dhismaha.

Qariirad muujineysa goobta uu isbitaalka ku yaalla

Dhibanayaasha

Weriyaha BBC-da ee Rushdi Abualouf ayaa tagay isbitaalka Al-Ahli. Goob joogayaal halkaasi ku sugan ayaa soo sheegaya in uu jiro burbur xoogan, waxaana ay sheegayaan in wali meydadka la aruurinayo.

Nin ayaa u sheegay in markii uu qaraxa dhacayay ay isbitaalka ku sugnaayeen haween, caruur iyo dad da’ ah.

Waxaan wali baaritaan ku wadnaa muuqaalada iyo dadkii ay waxyeeladu soo gaartay si aan u ogaano waxa ay nooga sheegi karaan qaraxa nooca uu yahay iyadoo la eegaya nooca dhaawacyadooda.

BBC-da ayaa daawatay sawirro aad ay adagatay inaan dadka la waadno kuwaas oo laga soo qaaday dhibanayaal iyo dad ka badbaaday goobta uu qaraxu ka dhacay, waxay muujinayaan dhaawacyo musiibo lagu tilmaami karo.

Khabiir ku takhasusay cudurrada oo la yirahdo Derrick Pounder, oo ah xubin aasaase ah oo ka tirsan Dhakhaatiirta Xuquuqda Aadanaha ee UK, ahna khabiir ku takhasusay dhaawacyada, ayaa daawaday qaar ka mid ah sawirrada.

"Qaabka guud ee dhaawacyada ku yaalla qeybaha ka duwan ee jirka ayaa waa waxa laga dheehan karaa inuu sababay firirka ka dhashay qaraxa," ayuu yiri.

Laakiin waxa uu sidoo kale sheegay in aysan suurtagal ahayn in si cad loo qeexo dhammaan dhaawacyada oo tiradooda ay koobantahay ee sawirada la xaqiijiyay ee la heli karo.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay Arbacadii in 471 qof ay ku dhinteen qaraxa.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sheegay in dadkan si ula kac ah loo bartilmaameedaday, balse ma aysan soo saarin qiimeyntooda la xiriirta tirada dadka ku dhintay qaraxa. Sababtoo ah waxaa adag marin u helidda goobta ee ururada madaxa banaan, way adagtahay in la xaqiijiyo tirada la dilay.

Qoraalka Muuqaalka, Goobta isbitaalka ee uu qaraxa ka dhacay: Dadku weli waxay uruurinayaan qeybta ka mid ah haraaga meydadka'

Wax yaabaha aynaan weli ogeyn

Mid ka mid ah cadeymaha ugu muhiimsan ayaa ah nooca godka uu ka tagay qaraxa.

IDF waxay sheegtay in maqnaanshaha bohol weyn, ama burbur soo gaaray dhismayaal ku dhow, ay caddaynayso in qaraxa uusan ka dhalan hubkeeda.

Sawirka hoose, waxaad ku arki kartaa hal bohol oo yar, waxaanan baaraynaa calaamadaha kale.

Sharraxaad

Qayb kale oo muhiim ah oo ka mid ah caddaynta maqan waa jajabka ama haraaga gantaallada. Nooca gantaallada inta badan waxaa lagu aqoonsan karaa burburka qolofkooda, waxaana loo isticmaali karaa in lagu go'aamiyo asal ahaan madfaca. Laakiin kiiskan, maanu arag caddayntaas.

Ciidamafa Israa’iil (IDF) ayaa sii daysay cod ay ku sheegtay in ay dhexda qabatay kaas oo muujinaya laba ka mid ah dagaalyahanada Xamaas iyaga oo qiraya in cisbitaalka uu ku dhacay madfac ay soo rideen ururka Jihaad Islaami ee Falastiin (PIJ). PIJ waa kooxda labaad ee ugu weyn ee ka dagaalanta Gaza, waxayna taageertay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ku qaaday Israa'iil.

Suurtagal maaha in si madaxbanaan loo xaqiijiyo duubistan. War qoraal ah oo ay soo saartay PIJ ayay ku beenisay inay wax lug ah ku leedahay qaraxa, waxayna ku eedaysay Israa'iil mas'uuliyadda qaraxa.