Taariikhda Prof Jawaari: mid ka mida dadkii ugu waqti dheeraa ee la soo shaqeeyey dowlad Soomaaliyeed oo geeriyooday

geerida jawaari

Xigashada Sawirka, SOCAIL

Qoraalka sawirka, Allaha u raxmado, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Prof Maxamed Cismaan Jawaari sida uu BBCda u xaqiijiyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Eheladiisa ayaa BBCda u sheegay in uu si caadi howlahiisa u watay galinkii hore balse si kadis uu u geeriyoday.

Prof, Jawaari ayaa door weyn ku lahaa dibu dhiska Soomaaliya, waana mid ka mida ah dadkii waqtiga dheer ku soo jiray dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka tacsiyey geeridiisa ayaa ku tilmaamay inuu Prof Jawaari, ahaa mid taariikhda dalka ku leh horumarin iyo dhismaha haya’addaha dowladnimadda.

Sidaas oo kale madaxdii hore e dalka ayaa ka tacsiyeyey geeridiisa.

‘‘Wuxuu ahaa nin dowladeed, nin qaran ,wuxuu ahaa raasumaal adag oo ka baxay Soomaali oo dhan. Waxaa u ahaa qof ay adag tahay in laga dhex helo Soomaalida dhanka siyaasadda“ ayuu yiri Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur Warsame oo BBCda la hadlay.

Kaalintii Jawaari ee dowladnimada Soomaaliya

geerida Jawaari

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka, Prof. Jawaari, waxaa uu ka mid yahay dadkii mudda dheer la soo dhaqeeyey dowladdihii kala danbeyey ee maamulay Soomaaliya

Waxaa la rumaysan yahay in Prof Maxamed Cismaan Jawaari, uu ka mid yahay dadka waqtiga ugu dheer u soo shaqeeyey dowladihii soo maray Soomaliga laga soo bilaabo dowladii lixdankii.

Sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud, Prof Jawaari wuxuu ahaa tiir adag u ahaa dowladnimadda casrigaa ee Soomaaliya.

Prof. Maxamed Sheekh Osmaan Jawaari, ayaa dowladinada u soo shaqa bilaabay isagoo da’a yar.

Waa kuma Maxamed Sheekh Osman Jawaari

geerida Jawaari

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Allaha u raxmadee Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, waxaa uu ku dhashay magaalada Afgooye sanadkii 1945-tii, waxaase uu ku koray yaraantiisii degmada Buur Hakaba sida horraan BBC-da ugu sheegay Siciid Maxamed Caddow oo in muddo ah u ahaa xoghayntii shaqsiga ah. Wuxuu cilmiga sharciga kaga bartay jaamacadii ummada Soomaaliyeed.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Markii danbena alaha u naxariistee Prof. Jawaari, wuxuu wasiir ka soo noqday wasaaraddaha gaadiidka, shaqada iyo shaqaalaha ee dowladdii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Proff Maxamed Cismaan Jawaari , waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii militariga ahayd.

Markii dalku galay burburka, allaha u raxmadee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa uu tagay dalka Norwey oo muddo ku noolaa.

Dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada.

Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wuxuu guddoomiye u noqday guddigii madaxa bannaanaa ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay ee hadda dalku haysto isagoo muddo dheerna u ahaa guddiyada dastuurka la taliye sare.

PROF JAWAARI

Xigashada Sawirka, Reuters

Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xulleen.

Sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waayadii danbe wuxuu si gooniya xoogga u saari jiray muxaadarooyin uu kula hadli jiray dhalinyarada ku jirta jaamacada dalka isagoo hoga tusaalayn jiray in ay dhexda u xirtaan horumarinta dalkooda.

Dadka yaqaanyey waxay sheegeen inuu ahaa aqoonyahay ku xeeldheer dhanka afka iyo dhaqanka Soomaalida. Wuxuu si buuxda ugu hadli jiray luuqdaha Soomaaliga, Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga iyo Norweyjiyanka.

Sanadkii 2022-kii ayaa ciwaano dad ku leeyihiin baraha bulshada iyo xarumo warbaahineed faafiyeen inuu geeriyooday guddoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cinwaan Jawaari.

Balse mar danbe ayaa ehelkiisu beeniyeen warkaasi.

Alaha u raxmadee Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhintay da’da 79 sano jir.

Wuxuu ifka uga tagay sagaal owlaad ah, shan gabdhood iyo afar wiil.